Tababaraha kooxda kubadda cagta Manchester United ayaa laga dalbaday in uu kabtannimada ka wareejiyo xiddiga reer Portugal ee Bruno Fernandes oo uu toddobaadyo ka hor u magacaabay markii uu ka qaaday Harry Maguire oo kursiga kaydka u dhacay.
Bruno Fernandes ayaa lagu canaantay masuuliyad-darro kulankii horyaalka Premier League ee Tottenham ay 2-0 kusoo garaacday Axaddii, taas oo uu laacibkani kaadh digniin ah qaatay markii uu isku dayay inuu la murmo garsoore Michael Oliver, isaga oo illoobay sharciga cusub ee kubadda cagta.
Halyeygii Manchester United ee Rio Ferdinand ayaa si aad ah u canaantay Bruno Fernandes, hase yeeshee khabiirka kubadda cagta BBC Sports ee Chris Sutton ayaa kusii talax-tegau oo dalbaday in gebi ahaanba laga qaado kabtannimada.
Arrinta lagu haysto Bruno Fernandes ma aha inay liidato ciyaartiisu, mana aha inuu garsooraha la murmay, hase yeeshee waxay la xidhiidhaa hadal uu ka sheegay warbaahinta ciyaarta kaddib oo uu ku dalbaday garsoorihii kulankaas inuu raalligelin siiyo Manchester United, sabab too ah waxa uu ka diiday rikoodhe Alejandro Garnacho qaybtii hore markii kubaddu ay gacanta kaga dhacday Cristian Romero.
“Gebi ahaanba ma aha hoggaamiye, wax walbana waxa caddaynaysa sida uu u dhaqmay. Bruno Fernandes ma aha inuu ahaado kabtanka Manchester United, sababtoo ah inaad qaaddo masuuliyadda kabtannimada oo aad noqoto kan ugu liita garoonka labadii ciyaarood ee uu horreeyey xilli-ciyaareedka, haddana aad sidan u dhaqanto, ma aha wixii laga doonayay hoggaamiyaha, isaguna ma laha tayadii hoggaamiyaha, mana aha inuu eedeeyo garsooreyaasha.”