Maxaa laacibaddan looga qariyey geerida aabaheed

 


Carmona

XIGASHADA SAWIRKA,GOOGLE

Daafaca bidix ee Real Madrid Carmona, oo 23 jir ah, ayaa dhalisay goolka kaliya ee ciyaarta iyadoo isla markaana ay koobka ku qaadday Spain oo ay 1-0 ku garaacday England Axaddii shalay ciyaar ka dhacday Sydney si ay ugu guuleysato koobkoodii ugu horreeyay abid ee ciyaarta haweenka.

Carmona waxay ogaatay geerida aabaheed kadib kulankii finalka marka uu soo idlaaday. Afhayeen u hadlay RFEF ayaa u sheegay wakaaladda wararka ee Reuters in uu la tacaalayay xanuun muddo dheer uuna geeriyooday Jimcihii.

"Waxaan aad uga xunahay inaan ku dhawaaqno geerida aabbaha dhalay Olga Carmona," RFEF ayaa ku qortay qoraal kooban oo lagu daabacay baraha bulshada.

“Carmona waxay ogaatay warka murugada leh kadib finalkii Koobka Adduunka, waxaan tacsi tiiraanyo leh u direynaa Olga iyo qoyskeeda waqtigan murugada weyn.

"Waan ku jecelnahay, Olga, waxaad tahay taariikhda kubbadda cagta Spain" ayaa lasii raaciyay.

Dhawaaqa firimbigii ugu dambeeyay kadib, waxay ka mid ahayd ciyaartoyda Isbaanishka ee ku damaashaadayay garoonka, isla markaana qoob ka ciyaareysay, waxayna u muuqatay inay si caadi ah uga qayb qaadaneysay bandhigga koobka, iyadoo xilligaasi aan ogeyn geerida aabbeheed.

Carmona

XIGASHADA SAWIRKA,TWITTER




"Waan ogahay inaad igu bixisay juhdi badan si aad u kordhiso awoodeyda isla markaana aan u sameeyo waxyaabo cajiib ah, waan ogahay inaad i daawanaysay caawa oo aad igu faanayso, allah kuu naxariisto" ayey ku soo qortay baraheeda bulshada.

Carmona ayaa waxaa xilliga qoraalka ay soo dhigtay waxay soo raacisay sawir ay dhunkaneyso billaddi ay ku guuleystay.

Kooxda Carmona ay ka ciyaarto ee ka dhisan dalka Spain ee Real Madrid ayaa soo saartay farriin tacsi ah oo ay u direen daafacooda.

“Real Madrid, madaxweynaha iyo maamulka sare waxay aad uga xun yihiin geeridii ku timid aabbaha dhalay ciyaaryahankeena Olga Carmona, Real Madrid waxay jeceshahay inay tacsi u dirto Olga, qoyskeeda iyo dhamaan eheladeeda, naxariis ayaan ku rajeynay nabad ku naso” ayaa lagu yiri bayaanka naadiga.

Carmona waxay u dabaaldegtay goolkeeda guusha iyadoo muujisay ereyga "Merchi" ee ku qornaa funaanaddeeda hoose si ay u xasuusato hooyada mid kamida saaxiibbadeed oo dhowaan geeriyootay.

"Guushaan waa hooyada mid ka mid ah saaxiibadeyda ugu fiican ee geeriyootay dhawaan," ayay ku tiri sharraxaad ciyaarta kadib markii wax laga waydiiyay farriinta ay direyso.

Waxay ahayd markii labaad ee usbuuc gudihii ay Carmona u hiilliso qarankeeda Spain. Waxay sidoo kale dhalisay gool cajiib ah daqiiqadii 89-aad guushii semi-finalka ay ka gaareen Sweden Talaadadii.

Carmona

XIGASHADA SAWIRKA,SKYNEWS

“Waxaan u maleynayaa dhamaanteen, waxaan dareennay in kooxdaan ay leedahay heybad gaar ah,” daafaca Real Madrid ayaa yiri ka dib markii Spain ay ku guuleysatay koobka.

Xulka spain ee lagu naaneyso La Roja ayaa lagu wadaa in ay dib ugu laabtaan Madrid oo ay ka soo duulaan Sydney subaxnimada Isniinta ee maanta ah, iyada oo la qorsheeyay in lagu dabaaldego caasimadda Spain gelinka dambe ee maanta.

Carmona ayaa lagusoo bilaabay shan kamid ah toddobadii kulan ee Spain ay ciyaartay koobka aduunka.

Warbaahinta Isbaanishka ee Relevo ayaa sheegtay in qoyskeeda iyo asxaabteeda ay go’aansadeen inaysan u sheegin si ay diiradda u saarto ciyaarta finalka, iyadoo hooyadeed iyo walaalaheed ay sabtidii gaareen Australia si ay u taageeraan.

Post a Comment

Previous Post Next Post

Contact Form